Militariga Dalka Sudan oo war ka soo saaray dagaalka ka socda Magaalada Khartuum

0
148

Militariga Dalka Sudan oo war ka soo saaray dagaalka ka socda Magaalada Khartuum

Militariga Sudan ayaa war ay soo saareen oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee Reuters ku sheegay in ay wali gacanta ku hayaan dhamaan saldhigyada iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaasi.

Goor sii horeysay, xoogagga howlgalada degdeg ah ee RSF ayaa sheegay inay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay hadda wajahayaan isku dayada “cadowga” ee ay ku doonayaan in ay kula wareegaan goobo istaraatiiji ah oo ku yaalla Khartoum, iyo in ciidamada cirka ee Suudaan ay wadaan howlgallo ay kaga hortagayaan RSF-ta.

Dhinacyada rayidka ah ee Suudaan oo heshiis awood qaybsi ah la saxiixday militariga iyo RSF ayaa mar sii horreysay ugu baaqay labada dhinacba inay joojiyaan colaadda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dagaalka ka socda Suudaan ayaa waxa u dhaxeeyaa Ciidama Gurmadka Degdegga-Rapid Support Forces oo katirsan Nabad sugidda oo uu wato Mohamed Hamdan Dagalo Gudmoomiye xigeenka Guddiga Miltryga ee talada dalka haya iyo Ciidamada Military Sudan oo ka amar qaadanaya Abdel Fattah al-Burhan oo ah Gudoomiyah Guddiga Military ee xukuma dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here