Maxay isku hayaan labada Janan ee kala hogaminaya dagaalka ka socda Khartuum?

0
146

Maxay isku hayaan labada Janan ee kala hogaminaya dagaalka ka socda Khartuum?

Waxaa weli magaalada Khartuum dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano gurmadka degdega ah.

Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jen. Cabdifitaax Al-Burhan iyo Jen. Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan.

Maxay isku hayaan?

Labada Janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ee RSF ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here