Dowlada Kenya Oo Qirtay In Ay La Daalaa Dhacayso Bixinta Mishaaraadka Shaqaalaha Dhaqaale Xumo Awgeed

0
150

Dowlada Kenya Oo Qirtay In Ay La Daalaa Dhacayso Bixinta Mishaaraadka Shaqaalaha Dhaqaale Xumo Awgeed

Dowladda Kenya ayaa qiratay in ay soo wajahday lacago yari taasoo dib u dhac ku keentay bixinta mushaaraadka kumannaanka shaqaalaha dowladda ah.

Waxa ay sheegtay in ay ahayd in ay go’aanno adag ka gaarto in ay bixiso mushaharka ama adeegga malaayiin doollar oo deyn dibadeed ah, Bishan gudeheeda.

Qasnadda ayaa sidoo kale ku guul darreysatay in ay lacagaha u gudbiso degmooyinka waaxyaha la daadajiyay ee kormeera adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Shaqaalaha wasaaradaha, hay’adaha iyo maamul goboleedyada ayaa ah kuwa ugu badan ee ay saameysay dib u dhac ku yimid mushaaraadkii bishii March.

Wasiirka maaliyadda Njuguna Ndung’u ayaa sheegay in dowladda ay soo wajahday caqabado dhaqaale oo ka dhashay dakhligoodu hooseeyo iyo helitaan deymo oo xadidan.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ay mas’uul ka tahay Xukuumaddii hore oo uu ku eedeeyay in ay lacago badan amaahatay intii ay talada heysay, isla markaana ay ku xad-gudbeen Qasnadda dalka ka hor inta aysan xukunka ka tagin sannadkii hore.

Hase yeeshee ma uusan bixin wax caddayn ah oo la xiriira eedeymaha.

Dowladda Kenya ayaa rajaynaysa $500m (£460m) oo ay ka hesho deyn la isku daray, mushaaraadka shaqaalaha rayidka ahna la bixin doono dhammaadka toddobaadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here