Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield iyo Booliiska oo baaritaano wada

0
204

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield iyo Booliiska oo baaritaano wada

Kooxo hubeesan oon wali heebtooda la aqoonsan ayaa wiil Soomaali ah shalay ku dilay xaafadda Gleadless oo katirsan magaalada Sheffield ee kutaalla woqooyiga dalka Ingiriiska.

War kasoo baxay booliiska magaalada Sheffield ayaa lagu sheegay in baaritaan ku wadaan dilka loo geestay wiilka Soomaaliyeed oo u geeriyooday dhaawac halis ah oo la gaarsiiyay, waxa ayna booliiska xuseen in lasoo qaban doono kuwa dilka geestay.

Booliiska ayaa sheegay in wiilkan u geeriyooday rasaas culus oo la huwiyay, waxa ayna booliiska ka codsadeen dadkii ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay gacan ku siiyaan baaritaanka kiiskan si loo soo qabto gacan ku dhiiglayaasha.

Dalka Ingiriiska qeybo kamid ah waxaa ka dhaca dilal loo geesto dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool, waxaana dilalkaasi qaarkood la sheegaa in ay ku lug leeyihiin dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here