MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay 8 sharci oo kasoo gudbay labada Gole BJFS.

0
172

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay 8 sharci oo kasoo gudbay labada Gole BJFS.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinac joogeen Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaasha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe & Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa saxiixay 8 sharci oo kasoo gudbay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hindise-sharciyeedyadaan ay muhiim u yihiin dalka sidaas awgeed waxa uu ku dhiirrageliyay in la dardargeliyo sidii loo dhaqangelin lahaa si loo dareemo muhiimadda Bulshadu u leeyihiin.

Siddeeda sharci ee uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kala ah:

1-Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2-Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3-Sharciga Socdaalka,

4-Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5-Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6-Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7-Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8-Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa u codeeyay hindise-sharciyeedyo dalka muhiim u ah, waxaa soo xirmay kalfadhiyadooda, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here