Warqada lagu soo xiro Putin oo la tilmaamay in aysan waxba dhaamin tan musqulaha

0
122

Warqada lagu soo xiro Putin oo la tilmaamay in aysan waxba dhaamin tan musqulaha

Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ayaa soo saartay waaran soo qabasho ah oo ku socda madaxweyanaha dalka Ruushka Vladimir Putin, kaas oo ay sheegtay in loo haysto eedo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ay geesteen ciidankiisa.

Warqada waaranka ee lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka ayaana dhalisay hadal heyn aad u badan, waxaana dadka inta badan tilmaameyn in aysan jirin cid awoodda in xilligan soo xirro madaxweynmaha Ruushka.

Madaxweynihii hore ee dalka Ruushka Dmitry Medvedev ayaa go’aanka kasoo baxay maxkamadda caalamiga ee ICC ee lagu soo xirayo madaxweyne Putin ku tilmaamay mid lagu qoslo aan micno badan ku fadhin.

Waxa uu sheegay Dmitry Medvedev in warqada waaranka ee maxkamadda jartay uusan waxba ka duwaneyn sida uu tilmaamay warqada tiishka ah ee loo isticmaalo suuliga ama musqulaha .

Dhinaca kale Dowladda Ruushka afhayeen u hadlay ayaa sidoo kale waaranka kasoo baxay maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ku tilmaamay wax laga xumaado oon la aqbali karin, waxa uuna cadeeyay in Ruushka aysan marnaba aqoonsaneyn maxkamadda ICC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here