Nin dhallinyaro ahaa oo in ka badan 17-jeer Xabsi la dhigay oo qaatay Diinta Islaamka

0
205

Nin dhallinyaro ahaa oo in ka badan 17-jeer Xabsi la dhigay oo qaatay Diinta Islaamka

Wiil uu dhalay Marco Pierre White oo ah nin caan ah oo u dhashay dalka Britian, si weyna loogu yaqaan in uu dadka baro sida cunnooyinka loo sameeyo ayaa qaatay diinta Islaamka isaga oo ku jira xabsiga.

Wiilkan qaatay diinta Islaamka ayaa si weyn u qabatimay maan-dooriyaha nuucydiisa kala duwan. Wuxuuna maan-dooriyaha isticmaali jiray taniyo markuu ahaa 13 jir.

In ka badan 17 jeer ayaa xabsiga loo dhigay si loogu dhaqan-celiyo. Hadda isaga oo 28 jir ah ayuu qaatay diinta Islaamka.

“In ka badan hal milyan oo doollar ayaa ku baxday dhaqancelintayda iyo maandooriyahayga,” ayuu u sheegay Daily Mail. “Laakiin Islaamka ayaa si fudud igu daweeyey.”

“Waxaan iskaga daba noqonayay xabsiga 17 jeer oo kala durugsan – waxaana qaatay go’aan ah inay igu filan tahay intaas.”

Bishii hore hore ayaa laga sii daayay xabsiga, kadib markii uu muddo sannad ah ku jiray sabab la xiriirta inuu qalqal geliyay amniga rayidka iyo kan booliska.

Aabbihiis ayaa lagu soo warramayaa inuu taageeray go’aankiisa. Wuxuuna balanqaaday inuusan mar kale u dhawaanin maandooriye iyo falal amniga wax u dhimaya.

Islaamka ayaa meel adag ka jooga cabidda qamriga iyo dhaca iyo boobka hantida umadda. Waana diinta maanta ugu ballaaran adduunka oo ay heystaan in ka badan 2 bilyan oo dad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here