Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Dadka Laascaanood oo galay maalintii 16aad.

0
176

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Dadka Laascaanood oo galay maalintii 16aad.

Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii 16aad galay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Dadka deegaanka ah ee Magaaladaas, dagaalka waxaa dhinac socda duqeyn xooggan oo ku dhacday xaafadaha qaar.

Isimada Dhaqanka ee hoggaaminaya dadka deegaanka ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Somaliland ayaa sheegay in Ciidamada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay duullaanka ay soo qaadeen.

Afhayeenka Garaadada Dhaqanka ee Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in dhowr jiho ay kasoo duullaan tageen Ciidamada Somaliland balse iska caabbin ay kala kulmeen Dadka deegaanka waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray in duqeyntu billaabatay kaddib markii Ciidamada Somaliland ay ku guuldareysteen in ay gacanta ku dhigaan goobaha ay beegsadeen, duqeynta ayuu tilmaamay in ay burbur xooggan gaarsiisay guryaha rayidka.

Dowladda Federaalka, DG Puntland, Qaramada Midoobay iyo dhinacyo kala duwan ayaa baaqyo wadajir ah u jeediyay Ciidamada Somaliland & dhanka kasoo horjeeda si dagaalkooda ay ugu baddelaan wadahadal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here