Garaadada Dhaqanka Laascaanood oo labo shuruud hordhigay wadahadalka Somaliland ay rabto in ay la gasho.

0
208

Garaadada Dhaqanka Laascaanood oo labo shuruud hordhigay wadahadalka Somaliland ay rabto in ay la gasho.

Garaadada dhaqanka ee Laascaanood ayaa soo bandhigay labo shuruud oo haddii la fuliyo ay wadahadal la geli karaan Isimada ka socda dhanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi si wadahadal loogu dhammeeyo xiisadda ka taagan Magaaladaas.

Odoyaasha dhaqanka Laascaanood ayaa sheegay in marka 1aad ay u baahan yihiin ciidamada laga dulqaado Magaaladaas halka marka 2aad ay doonayaan in xabad-joojinta dhanka Somaliland shuruud la’aan u dhaqangeliso.

Garaadada dhaqanka ayaa sheegay in haddii labadaas qodob uu ka dhaqangalo dhanka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi loo gudbi karo wadahadalka kale ee xalka loogu raadinayo dagaalka galay maalintii 12aad.

Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug, Afhayeenka Guddiga 33da ah ee SSC ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay dhibaatooyin badan ka geysteen Magaalada Laascaanood, khasaaraha ugu badan ayuu tilmaamay in ay ka dhalatay duqeynta.

Waxa uu soo jeediyay in duullaanka saqda dhexe ay qaadayaan Ciidamada Somaliland & duqeynta ay aroortii ay ku garaacayaan Magaalada Laascaanood joojiyaan si la isugu soo dhoweeyo labada dhinac waa sida uu hadalka u dhigay.

Dedaallo lagu dhalinayo wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood oo sababtay geerida in ka badan 30 ruux, dhaawac tiro intaas ka badan, burbur xooggan oo soo gaaray Dhismo badan iyo barakaca rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here