Dagaal Saaka Ka Dhacay Laascanood Xili Somaliland Xabad Joojin Ku Dhawaaqday Xalay

0
186

Dagaal Saaka Ka Dhacay Laascanood Xili Somaliland Xabad Joojin Ku Dhawaaqday Xalay

Hargeysa-11-2-2023-Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu.

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here