Waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah uu dagaal ka socdaa Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

0
227

Waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah uu dagaal ka socdaa Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah uu dagaal ka socdaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, dagaalkaan ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo Barakaca Dadka Shacabka ka gadaal markii xaafadaha qaar ay ku dhaceen Hubka culus ee ay isku adeegsanayaan Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka.

Dagaalka tooska ah ayaa ka socda goobaha ay isku hor fadhiyaan dhinacyadaan ku hardamaya gacan ku heynta Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool maalintii afaraad oo xiriir ah, dhinac weliba waxa uu ku eedeynayaa in uu weerarka qaaday.

Duubabka Dhaqanka Magaalada Laascaanood ayaa Ciidamada Soomaaliland ku eedeeyay in ay duqeyn xooggan ku garaaceyso Xaafadaha Magaaladaas kaddib markii ay ku guuldareysteen in ay qabsadaan xarunta Gobolka Sool.

Wali ma cadda Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka, balse galinkii dambe ee shalay ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland ka degtay Diyaarad sidda shixnado daawo ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu daaweeyo dadka ku dhaawacmay dagaalka, iyada oo Hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ay u dirtay dhaqaatiir ka qeyb qaadata daaweynta dhaawacyada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood.

Guddiga oo ka kooban Hay’adaha Dowladda, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal ayaa kala ah:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka, isaga oo sheegay in xilligaan la jooga uusan dagaal keeneynin Nibaddax xalkuna uu ju jiro wada tashi iyo is-afgarad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here