Sweden oo go’aan lama filaan ah ka gaartay qorshe kale oo lagu gubi lahaa Quraanka

0
292

Sweden oo go’aan lama filaan ah ka gaartay qorshe kale oo lagu gubi lahaa Quraanka

Sweden ayaa diidey in la sameeyo mudaaharaad cusub oo Qur’aanka lagu gubayo afaafka hore ee Safaaradda Turkiga ee Stockholm.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii heyadda Nabad Sugidda dalkaas ee SÄPO ay ka digtey khatarta sii kordhaysa ee Sweden kaga imaneysa arrintan

Codsiga oo ku saabsanaa bannaanbax dhici lahaa 12 duhurnimo ee Khamiista maanta ah ayaa ka yimid urur dhaqameed ka jira agagaarka Stockholm. Booliiska ayaase diiday isagoo ku sababeeyey inay meesha ka saarayso nidaamka iyo amniga guud ee dalka.

”Sida caadiga ah waxa aanu wada hadal la yeelannay Säpo kahor inta aanan go’aankan gaarin.” ayuu yiri Ola Österling, afhayeenka saxaafadda u qaabilsan Booliiska Stockholm.

Booliska ayaa boggooda sidoo kale ku qoray in gubitaankii hore ee Qur’aanka Kariimku ay keentay fal-celin xooggan oo caalami ah, taasoo ah halis ka dhan ah Sweden, waxayna xuseen in qalalaase halis ah ay ku keeni karta amniga qaranka ah hadii la ogolaado talaabo kale oo la mid ah tii hore.

Ururka dhaqanku ee danacsanaa qorshaha lagu gubayo Quraanka waxa uu sheegay inay rafcaan ka qaadan doonaan go’aanka Booliiska ayna dacwad arrintaas la xiriirta u dirayaan Maxkamada Maamulka ee FR.

SÄPO ayaa goor sii horeysay ka digtey inay kordheen halisaha ka dhanka ah Sweden ee ka imanaya Islaamiyiinta rabshadaha adeegsada.

Sweden ayaa dhowaan u fasaxday nin ka tirsan masiixiyiinta xagjirka ah inuu Kitaabka quraanka ah ku gubo safaarada Turkiga horteeda, arrintaasoo dhalisay caro iyo dhaleeceyn xoogan oo ka timid dunida Muslimka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here