Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland: “Waxaa nasoo weeraray Kooxo Hagjir ah oo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad-diidka ah”.

0
186

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland: “Waxaa nasoo weeraray Kooxo Hagjir ah oo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad-diidka ah”.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa looga hadlay dagaalka saakay ka billawday deegaanno katirsan Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo saacadihii u dambeeyay ka jirtay xiisad salkeedu yahay hab maamulka Magaaladaas.

Xaanshida kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalka uu yimid kaddib markii la weeraray saldhig ciidan, xarun ay degan yihiin Golaha Wasiirada & mas’uuliyiin kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegatay in ay iska difaacday Kooxaha ay ku eedeysay in ay weerareen goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada & qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Madaxweyne Muuse Biixi.

“fadhiisimada Ciidamada Somaliland & xarun ay degan yihiin Golaha Wasiirada oo Magaalada Laascaanood ah waxaa soo weeraray kooxo hubaysan oo ay soo abaabuleen garaadada Nabad-diidka ah ee ku sugan Magaaladaas, kooxaha weerarka soo qaaday waxaa kamid ah koox xagjir ah, Ciidamadu way iska difaaceen, wixii khasaaraha ah dib ayaan kasoo sheegi doonnaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xaaladda xasiloonida Magaalada Laascaanood waxaa saameyn taban ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Ciidan ee Ciidamada Somaliland & Dadka Deegaanka ee taageersan Garaadada Dhaqanka, labada dhinac ayaa isku hub uruursaday si dhanba dhanka kale uu magaalada uga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here