Waa sidee xaaladda Waqooyiga Itoobiya oo labo sano & Bar ka jirtay colaadda u dhaxeysay Ciidanka Federaalka & TPLF?

0
248

Waa sidee xaaladda Waqooyiga Itoobiya oo labo sano & Bar ka jirtay colaadda u dhaxeysay Ciidanka Federaalka & TPLF?

Nolosha Dadka degen Waqooyiga Itoobiya ayaa si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabaneysa kaddib markii November 2022 heshiis buuxa ay wada galeen Wakiilo kala metalayay Xukuumadda Federaalka & Ismaamulka Tigray.

Dadka ku nool Tigray waxa ay galeen xaalad aan xaqiiqda laga war heli Karin maadaama Ciidanka Federaalka iyo Xoogagga TPLF ay xadideen in xog dheeraad ah laga helo goobaha dagaalka & saameynta taban ee ka dhalatay.

Inkasta oo aanay si buuxda dib ugu soo laaban sidii uu Gobolkaas ahaa kahor dagaalka ka dhacay November 2020 ee salkiisu ahaa dib u dhigista Doorashada guud ee Itoobiya, waxaana weli ka maqan qoysas ka barakacay oo kor kala socda sheekooyinka laga soo wariyo wadahadalka socda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa muddo dheer kaddib markii ugu horreysay si fool ka fool ah ay u u kormeen mas’uuliyiin katirsan TPLF si loo xasiliyo heshiiska xabbad-joojinta sababay iyo in labada dhinac is fahmaan.

Waxaa jira qoysas badan oo aan aaminsaneen sida ay wax u socdaan maadaama dhowr jeer oo horay ay burbureen wadahadal iyo heshiisyo siyaasadeed oo ay wada galeen balse markaan sheekadu way ka duwan tahay.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika & Urur Goboleedka IGAD oo Itoobiya xubin ay ka tahay ayaa indhaha ku haya tallaabooyinka lagu xareynayo ciidamada labada sano dagaalka dhexmarayay si loo tusiyo in dagaalkaas uu soo afjarmay.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa soo jeediyay in si dhammeystiran loo baaro dhacdooyinkii aanay wanaagsaneen ee laga soo calaamadeeyay Waqooyiga Itoobiya muddadii dagaalka uu socday.

Waxa ay Hay’adahaan sheegayaan in ay dhaceen kiisas kala duwan sida: Dilal Bareer ah oo loo geystay dad birimageydo ah (Shacab ah), Haween la kufsaday, Gargaar la hor istaagay & duqeyn aan loo meel dayin oo lagu beegsaday goobo ay gabbaadsanayeen Dadka lagu dul dagaalamay.

Isha: Independent /Aljazeera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here