IRAN oo soo saartay hanjabaad culus oo ka dhan ah Israel kadib markii ay…

0
213

Iran ayaa ku eedaysay dalka Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla badhtamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd.

Wasaaradda difaaca ee Iran ayaa sheegtay in weerarkaas uu burbur yar u geystay dhismaha.

Dalka Israa’iil ayaa hore u fuliyey weeraro kala duwan oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah oo lala xidhiidhinayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran.

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahina ka bixiyaan dhacdadan.

Waraaqda ay Iran u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka ayay ku xuseen digniin la xidhiidha inay ka falcelin doonaan weerarkaas.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay haysataa xuquuqdeeda sharciga ah iyo xaqa dhabta ah si ay u difaacdo ammaankeeda qaranka oo ay si adag uga jawaabto hanjabaad kasta ama ficil kasta oo khaldan oo uu ku kaco maamulka Israel, meel kasta iyo mar kasta oo loo arko lagama maarmaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here