Madaxa Shabakadda TikTok Oo Looga Yeedhay Baarlamaanka Maraykanka

0
201

Madaxa Shabakadda TikTok Oo Looga Yeedhay Baarlamaanka Maraykanka+SABABTA

Guddoomiyaha fulinta ee shabakadda bulshada ee TikTok Shou Zi Chew ayaa ka soo hor muuqan doona guddida tamarta iyo ganacsiga ee aqalka wakiillada ee Maraykanka, iyada oo ay sharci-dejiyayaasha Maraykanku ay baadhayaan hannaanka wadaaga muuqaallada ee barnaamijkan laga leeyahay dalka Shiinaha.

Shou Zi Chew ayaa ka hor markhaati furi doona guddida, bisha March 23-keeda, taasoo noqon doonta markii ugu horraysay ee uu ka soo hor muuqdo guddiyada baarlamaanka ee Maraykanka, sida laga soo xigtay Cathy McMorris Rodgers oo ah mudane ka tirsan aqalka wakiillada isla markaana madax ka ah guddiga tamarta iyo ganacsiga ee golaha.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo guddiga arrimaha debedda ee aqalka wakiillada ee Maraykanku uu qorshaynayo inuu bisha soo socota u codeeyo, hindise sharciyeedka looga hortegayo isticmaalka aaladda TikTok ee gudaha dalka Maraykanka, sababo la xidhiidha amniga qaranka.

“Shabakadda TikTok ee ay leedahay shirkadda ByteDance, waxay si badheedh ah u ogolaatay ama ugu hoggaansantay xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ka taliya, inay galaangal u yeeshaan xogta isticmaalayaasha ku sugan Maraykanka” sidaas waxaa laga soo xigtay xildhibaan McCorris Roders.

Shirkadda TikTok ayaa si weyn looga isticmaalaa gudaha Maraykanka, waxaana muddo saddex sano ah ay ku gaadhay inay isticmaalaan illaa 100 milyan oo qof, hase ahaatee Maraykanka ayaa dareen badan ka qaba, cidda galaangalka u yeelan karta macluumaadka Maraykanka.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here