Booliska Gobolka Banaadir Muqdisho ka bilaabay Howlgalka Qof iyo Guri

0
207

Booliska Gobolka Banaadir Muqdisho ka bilaabay Howlgalka Qof iyo Guri

Booliska Gobolka Banaadir ayaa billaabay howgallo ammaanka lagu sugayo, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Ciidanku ay guri-guri u baareen Degmada Xamarweyne oo noqotay degmadii ugu horreysay ee lagu daahfuray Howgalkaan ay ku dhawaaqeen Booliska Gobolka Banaaadir.

Howgaladii xalay lag sameeyay Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamaweyne waxaa iska kaashanaayay Booliska iyo Ciidamada nabad Sugidda oo qayb ka ah howgalka, sidoo kale waxaa ka qayb qaatay ilaaiyo shan guddoomiye degmo oo ka tirsan Gobolka.

Intii uu howlgalku socday Booliska ayaa baaritaanno ka sameeyay qaybaha kala duwan e ay ka kooban tahay degmada lagu billaabay wajiga 1aad ee Howlgalka uu ku dhawaaqeen laamaha ammaanka Caasimadda.

Waxaana ay gacanta kusoodhigeen shaqsiyaad ay ka qab-qabteen qaybo kamid ah degmada, kuwasi oo baaritaanno culus ay ku socdaan haatan sida masuuliyiintu sheegen, waxaana sidoo kale lasoo qabtay maandooriye lagu iibinayay qaybo ka mid ah degmada.

Howgalkaan ayaa waxaa iska kaashaanaya Guddoomiyeyaasha degmooyinka Bartamaha Caasimadda, ee kala ah Boondheere, Cabdicasiis, Warta nabadda, Shingaani iyo Xamarweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here