Da’du Saamayn Ma Ku Yeelan Kartaa Barashada Afka Qalaad?

0
569

Da’du Saamayn Ma Ku Yeelan Kartaa Barashada Afka Qalaad?

‘Haddii aad doonayso in naxwahaaga afka ingiriisigu uu u saxnaado sida dadka u dhashay, waxaa qasab noqonaysa in aad barashada afka ku bilowdo da’da 10 jirka’. Sidaas waxaa caddeeyey cilmibaadhayaal muddo daraasad ku waday raadka ay da’du ku yeelan karto Barashada afka Ingiriisiga.

‘Qofku afka si xirfad sare leh waa uu u sii baran karaa illaa inta uu gaadhayo da’da 17 ama 18, laakiin markaas kaddib waxaa bilowda hoos u dhaca awoodda barashada afka ee maskaxda.’ Sidaas ayaa lagu sheegay natiijada cilmibaadhistan uu faafiyey joornaalka ‘Cognition’.

Marka la soo ururiyo in af Ingiriisi naxwihiisu sax yahay la bartaa waxa ay xooggan tahay da’da carruurnimada, 12 jir illaa 17 kana weli waa uu baran karaa, laakiin sidii hore uguma fududa, haddii se uu gaadho 18 awooddaasi hoos ayaa ay u dhacdaa. Mar kasta oo da’du kor u sii kacdana waa ay sii adkaataa barashada afka oo sax ahi.

“Si kastaba ha ahaato ee xaaladdu quus ma’aha, dadka weynida ku baranaya afka Ingiriisigu weli fursad fiican ayaa ay u haystaan in ay si xirfad sare leh u bartaan. Si fiican ayaa ay ugu gudbin karaan waxa ay rabaan, xitaa haddii aanu dhawaqoodu sida dhaladka ahayn ama dhammaan hadalladoodu aanay naxwe ahaan sax ahayn” ayaa ay xeeldheereyaasha daraasadda sameeyey ku bishaareeyeen.

Weli cilmi ahaan ma cadda sababta keenaysa hoos u dhacan awoodda Barashada afka ee maskaxda aadamaha ku imanaya 18 jirka kaddib. “Waa suurtagal in sababtu ay tahay isbeddel dhinaca abuurta ah oo maskaxda ku dhacaya.

Sida oo kale waa ay noqon kartaa arrin la xidhiidha bulshada iyo dhaqanka”. Josh Tenenbaum oo ah bare-sare oo culuumta maskaxda iyo garashada ka dhiga Mac-hadka Massachusetts ee Teknoolajiyada ee Maraykanka ayaa sidaas yidhi. Tusaale ahaan wixii da’da 12 jir ka dambeeya waxaa bata shaqada waxbarashada ee maskaxdu qabanayso, guriga ayaa uu ka baxaa qofku oo waayo kale iyo hawlo bulsho dhex galaa, laga yaabaa in uu shaqo badan qabto, ama takhasus jaamacadeed bilaabo, waxaas oo dhamiba saamayn waa ay ku yeelan karaan heerka Barashada ee luuqad kasta. Laakiin weli lama diidana in ay jiraan xaalado aan badnayn oo la arko dhalinyaro da’da labaatanaadka gaadhay oo si sax ah u bartay luuqadda Ingiriisiga.

Ugu dambayna da’ kastaba aad noqotid ee sida ay daraasadaha qaar sheegayaan barashada afafka qalaad, waxa ay u fiican tahay caafimaadka shaqo ee maskaxda, xitaa waxa la aaminsanyahay in ay caabbido xanuunka xusuusta dila ee ‘Dementia’ inta uu Bilowga yahay.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here