Gabar Ka Badbaadday Kansar Halis Ah Ka Dib Daawo Cusub Oo Lagu Tijaabiyay

0
246

Gabar Ka Badbaadday Kansar Halis Ah Ka Dib Daawo Cusub Oo Lagu Tijaabiyay

Gabar yar oo uu ku dhacay kansar aan la daweyn karin ayaa waxaa lagu guuleystay in gebi ahaanba jirkeeda laga saaro cudurka, kaddib markii ay heshay nooc cusub oo daawo ah oo markii ugu horreysay la tijaabiyay.

Dhammaanba daaweynta kale ee la siiyay Alyssa, oo qabtay kansarka dhiigga, ayaanan wax tarin.

Sidaas darteed, dhaqaatiirta Isbitaalka Great Ormond Street Hospital ayaa adeegsaday “tifaftir” si loogu sameeyo daawo ayada munaasib ku ah.

Lix bilood kaddib kansarka ayaa laga waayay jirkeeda, balse Alyssa weli waxaa xaalkeeda la soconaya dhaqaatiirta.
Alyssa, oo 13 jir ah kana soo jeedda magaalada Leicester ee dalka UK, ayaa laga helay kansarka nooca T-cell acute lymphoblastic leukaemia bishii May ee sanadkii hore.

T-cells waa ilaaliyeyaasha jirka – ee ka difaacaya khatarta – balse marka la eego Alyssa waxay ku noqdeen khatar xadka ayayna ka sii baxayeen.

Kansarkeeda ayaa ahaa nooca aadka u faafa. Daaweynta Chemotherapy, iyo kaddib dhuux lagu beeray, laguma guuleysan in xanuunka laga saaro jirkeeda.

Haddii aan la tijaabin lahayn dawada, waxa keliya ee haray ee la sameyn lahaa ayaa ahaan lahaa in sida ugu macquulsan xanuunka looga yareeyo Alyssa.

“Muddo kaddib waan dhiman lahaa,” ayay tiri Alyssa. Hooyadeed, Kiona, ayaa sheegtay in markan oo kale sanadkii hore ay u qabtay inay tahay marka ugu dambeysa ee ay ciidda Kirismaska la qaadan doonto gabadheeda.
Wixii kaddib dhacay waxay ahaayeen wax aan lagu fekeri karin sanado kahor, ayna suurtogal ka dhigeen horumar laga gaaray dhanka hiddo-sidayaasha.

Kooxda ka tirsan Isbitaalka Great Ormond Street ayaa adeegsaday teknoljiyad lagu magacaabo tifaftir aasaasi ah, kaasoo keliya lix sano kahor la hindisay.

Koox badan oo dhaqaatiir ah ayay u suurtogashay inay tifaftir ku sameeyaan hiddo-sidayaasha iyagoo sameeyay nooc cusub oo T-cell ah kaasoo awood u leh inuu ugaarsado uuna dilo unugyada kansarka siday ee Alyssa.

Waxay ku billaabeen T-cells caafimaad leh oo laga soo qaaday qof kale kaddibna waxay ku sameeyeen isbeddello.

Markii fekerkan loo sharraxay qoyska, hooyo Kiona ayaa waxaa ka soo haray feker: “Waad sameyn kartaan sidaas?” wuxuu ahaa go’aanka Alyssa inay noqoto qokfii ugu horreeyay ee lagu tijaabiyo daaweyntan – oo ka koobneyd malaayiin unugyada la farsameeyay ah – bishii May ee sanadkan.
“Waa bukaankii ugu horreeyay ee teknolojiyaddan lagu daaweeyo,” ayuu yiri Prof Waseem Qasim, oo ka tirsan UCL and Great Ormond Street.

Wuxuu sheegay in farsameyntan hiddo-sidaha uu yahay hab saynis oo sare isla markaana faa’iido badan u leh noocyo cudurro ah.

Alyssa ayaase u nuglaatay caabuq, iyadoo unugyada ay weerareen T-cells-kii kansarka siday iyo kuwii ka difaaci lahaa xanuunka intaba.

Bil kaddib, Alyssa waxaa la mar kale lagu beeray dhuux si loo xoojiyo hab-difaaca jirkeeda.

Alyssa ayaa 16 toddobaad ku qaadatay isbitaalka mana aysan arki karin walaalkeed, oo weli iskuul aadayay lagana baqayay inuu jeermis u keeno gabadha.

Walaac ayaa jira kaddib saddexdii bilood ee baaritaanka lagu sameynayay iyadoo mar kale kansar laga helay. Laakiin labadii baaritaan ee ugu dambeeyay ee lagu sameeyay jirkeedu xor buu ka ahaa kansar.

“Waxaad baraneysaa inaad ka mahad-celiso wax walboo yar. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mar kale halkan joogo,” ayay tiri Alyssa.

“Waa wax yaab leh. Waa la yaab inaan fursaddan helay, aad ayaan ugu mahdinayaa waxayna caawin doontaa carururta kale, sidoo kale, mustaqbalka.”
Haatan waxay dooneysaa inay u dabaaldegto ciidda Kirismaska, ayna malxiisad ka noqoto arooska habaryarteed, dib u kaxayso baaskiil, iskuulkana dib ugu laabaty “oo ay sameyso waxa ay dadka caadiga ah qabtaan”.

Qoyska ayaa rajeynaya in kansarku uusan mar dambe soo laaban, balse waxay ku faraxsan yihiin daaweynta gabadhooda.

“Inaad hesho sanadkan dheeraadka ah, saddexdii bilood ee ugu dambeysay markii ay guriga joogtay, ayaaba ahaa haddiyad,” ayay tiri Kiona.

Aabbe James ayaa yiri: “Way igu adag tahay inaan ka sheekeeyo sida aan u faraxsannahay. Markaad eegto wixii ay soo martay, waa wax cajiib ah.”
Inta badan carruurta uu ku dhaco kansarka dhiigga ayaa loo maleynayaa inay sanado kaddib ka faa’iideysan karaan daaweyntan.

Alyssa waxay ka mid tahay keliya 10-ka qof ee la siiyay daawadan iyadoo lagu tijaabinayay.

Dr Robert Chiesa, oo ka tirsan waaxda ku beeridda dhuuxa ee Isbitaalka Great Ormond Street, ayaa yiri: “Waa wax aad cajiib u ah. Way caddahay, in tani ay tahay nooc cusub oo daaweyn ah waana cajiib inaan jiheyn karno difaaca jirka si uu ula dagaallamo kansarka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here