Ciidamada Somaliland Oo Shabakad Hubeysan Ku Qabtay Magaalada Laascaanood

0
164

Ciidamada Somaliland Oo Shabakad Hubeysan Ku Qabtay Magaalada Laascaanood

Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad hubeysan oo la sheegay inay falal amni darro ka fulin jirtay xaafaddaha kala duwan ee magaaladaas.

Ciidamada Booliska Sool ayaa qabtay shabakadda hubeysan oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Laascaanood u geysteen dad shacab ahaa, mas’uuliyiin iyo Askar Ciidan, waxaana xubnaha lagu xiray Saldhig ay leeyihiin ciidamada.

Qoraal uu soo saaray Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu soo qabanayay shabakadda uu iska horimaad kooban uu dhexmaray ciidamada iyo xubnaha la qabtay, iyagoona xusay in ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Shire, wuxuuna sheegay inay weli ku daba jiraan qeybo kamid ah shabakaddaas lagu qabtay.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa horey loogu dilay dad isugu jiray mas’uuliyiin Askar iyo shacab, iyadoo falalkaas inta badan ay geysteen kooxo hubeysan oo aan heyntooda la garan. Somaliland ayaa horey magaaladaas uga soo masaafurisay kummanaan dad ah, kana soo jeeda koonfurta Somalia , kuwaasi oo lagu eedeeyay amni darrada magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here