Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Maanta Go’aan Ku Dhawaaqaya

0
305

Madaxda Xisbiyad mucaaradka Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay kulan xasaasi ah ku yeelan doonaan Magaalada Hargeysa, kadib markii shalay Golaha Guurtida Somaliland ay muddo kordhin 2 sanno ah u sameeyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxda Xisbiyada UCID iyo Waddani oo ay kala hoggaamiyaan Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ciro ayaa kulankooda kadib ku dhawaaqi doona Go’aan rasmi ah oo ay ka qaadanayaan tallaabada muddo kordhinta loogu sameeyay Muuse Biixi.

HomeWarar
Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Maanta Go’aan Ku Dhawaaqaya
On Oct 2, 2022

Share
Madaxda Xisbiyad mucaaradka Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay kulan xasaasi ah ku yeelan doonaan Magaalada Hargeysa, kadib markii shalay Golaha Guurtida Somaliland ay muddo kordhin 2 sanno ah u sameeyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxda Xisbiyada UCID iyo Waddani oo ay kala hoggaamiyaan Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ciro ayaa kulankooda kadib ku dhawaaqi doona Go’aan rasmi ah oo ay ka qaadanayaan tallaabada muddo kordhinta loogu sameeyay Muuse Biixi.

Warbaahinta ayaa goorsii horreeysay looga yeeray Xafiisyada Madaxda Xisbiyada mucaaraadka, waxaana ay kasoo horjeeysan doonaan muddo dhinta labada sanno aheyd, iyagoona la sugayo go’aan ay qaadan doonaan iyo tallaabooyinka xiga arrintaas.

Doorashada guud ee Somaliland ayaa ku asteysneyd inay dhacdo 13-ka bisha Novmeber, waxaana dhowr jeer oo horey fashilmay wadahadallo lagu doonayey in xal buuxa looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Banaanbaxyo rabshado watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale oo kamid ah Somaliland, waxaana banaanbaxyada dhigay mucaaradka oo siweyn uga soo horjeeda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here