MAXAY TAHAY XUMADAN DADKI IYO DALKIBA HADAL HEYNTEDU GAADHAY?

0
606

MAXAY TAHAY XUMADAN DADKI IYO DALKIBA HADAL HEYNTEDU GAADHAY?

“XUMAD”, “XUMAD” “XUMADI BA IGU DHACDAY” “HEBEL/HEBLAAYO XUMADI BA HESHEY” “XUMAD BA MAGALADI KU JIRTA” “DADKI XUMAD BAY LA WADA JIIFAAN”…. 😟

….Waa dhawaaqa u badan ee dadki ku dhex jira….waana dhibaatada Caafimaad ee todobaadadi inaso dhaafay ilaa imika dalka aad u dhex socota lagana cabanayo guud ahaan dalka loguna hadal haynta badan yahay.

Wa maxay xumadani? Ma mid dunida ku cusub baa? Khatar intee leg bay ledahay? Maloo dhiman karaa? Maxaa keena? Sidey u fidaa dadkana ugu gudubtaa? Maxan ku gartaa? Sideen isaga ilaaliyaa? Haddiba an yeesho maxan yeelaa??
Intan wa suaalaha ugu badan ee ad is weydiiso ama dadku is weydiiyaan hadaanay ku weydiinba! Jawabteda ku siiyee….adne dadka gaadhsii.

Aynu ugu horeysine, Xanuunkan maaha mid cusub, waxaynu ula baxnay “XUMAD” waxa logu yeedhaa “Dengue Fever” (DENG-gey), waxa uu kamid yahay xanunnada nooca uu keeno fayrasku. Fayraska xanunkan keena waa Dengue Virus (DENV). Waxa ilaa afar nooc oo DENV ah. Waxa qaada oo gudbisa “Kaneecada”. Nooca kaneecada qaada magacedu waa “Aedes” waana laba jaad oo waxay kala yahiin “Aedes aegypti iyo waliba “Aedes albopictus”. Ta hore ayaase caan ah. Haba inoo kala qaadine Isu geeyoo kaneecadan waxa badanka lagu yaqaan oy caan ku tahay qaniinyada maalinki (day biting) oo inta u badan ah ilaa fiid cawlka walaw habenki laftiisa ay qaniinto, wa nooc midab ahaan madaw, lugaheda iyo jidhkeda waxa ku xardhan madaw iyo cadaan, wana ta badanka guryahena joogta haddad daba gasho. Waxay badanka joogta meel biyo nadiif ah ka ag dhaw yahiin guriga gudahisa, sidaa jarikaamada, fustooyinka, iyo dhirta biyaha ka ag dhaw.

Xanuunkan Dengue-hu waa socday sanadadi u dambeeyey wana mid kordhaayay imikana sii kordhaaya marbe marka ka dambaysa. Waxa uu caan ku yahay lagana helaa dhulka qaybtiisa kulaylaha iyo wadamada ku teedsan. Dengue-hu waa xanuun fudud oo sida lagu qiyaaso sideetan boqolkiiba sahlan qofkuna ka kici karo ogowne dadka badankisu mawada yeeshaan calamadaha xanuunka iyagoo sida ama qaba xanuunka, kama muuqdaan, waxaase lagu garan og yahay marka calaamadaha aynu eegno; xumad aad u daran oo gaadha hadanay kaba sarayn 40 degree (°c) oo ay weheliyaan laba ama saddex kamid ah calamadahan kale; xanuun qofku ka dareemo indhaha gadashoda (godka indhaha), madax xanuun daran, xanuun xoogan oo murqaha iyo kala goysada ah, yalaalugo (labo-labo) badan iyo matag. Intan waxa lagu tiriyaa calamado sahlan oo qofku maarayn karo sidoo kale muddo kooban on kaba badnaan badanka usbuuc ilaa toban cisho qofku kaga bogsan karo kana kici karo idam Alle.

Waxaase jira calamado u baahan TAXADAR DHEERI AH oo laga soo sooco intaa aynu kor kuso xusnay laguna sheego in la arko marka xanuunku heer khatar ah gaadho (Dengue-ha nooca dhiiga wata/yeesha ama Shooga leh) “Dengue Hemorrhagic Fever ama Dengue Shock Syndrome” lona bahan yahay in si deg-deg ah loo gaadho cusbitaal ama dhakhtar mesha ugu dhaw xata ay xumaddii yaraatay.

Waxa kamid ah:
– Calool xanuun saa’id ah (aad u daran)
– Mataga oo kala joogsi yeelan waaya
– Matag dhiig soo raaco
– Kaadida ama Saxarada oo dhiig soo raaco
– Dhiig lagu arko ciridka ama ka yimaad sanka
– Neef qabataw “neefsiga oo qofka ku adkaada”

Xaladahan waa kuwa qofka gaadhsiin kara dhiig bax guddeed halis ah iyo dhimasho.

Ogow: Ugu yaraan laba ama saddex kamid ah calamadan haddi qofku yeesho waa in si degdeg ah goob cafimad loo geeyaa.

Xanuunkan Dengue-ha lama kala qaado, macnahi qof qaba kama qaadi kartid haddi ad la jogtid (waa naadir in dhiiga gudbin karo) waxaase sababteeda leh kaneeco sidda fayraska oo ku qaniinta. Ogow waxa kaneecadu qofka kaso qaadi kartaa fayraska laba cisho ka hor inta aanu yeelan wax calamado xanuunka ah ilaa laba cisho kadib marka u ka yarato ama ka tagto xumadu.

Qof mar ka kacay Dengue-ha waxa uu yeeshaa dufaac fican o mar labaad ka ilaalin kara inu kuso noqdo noocaas ku dhacay waanay dhacdaa inuu kuso noqdo markale oo ay keenaan noocyada kale ee Fayrasku.

Sida loo daaweeyo loona maareeyo bukaanada waxa muhiim ah in aynu dhakhaatiirta uga dambeyno marwalba kalana tashano, la xidhiidhno lana socodsiino xaalka qofka si ay u siiyaan hadba wixi daawo, talo iyo umuro kale ah ee ku haboon.

Waxaase muhiim ah laguna taliyaa haddi qofku yesho xanuun iyo xumadan in qofku isticmaali karo kaniiniga “Panadol” ama “Paracetamol” Xumad iyo kaar jabin ahaan inta wixi ka badan waa ku wajib in u dhakhtar kala tashado.

⚠️ Waxa aad lo adkeeyaa mamnuuc-na ka ah qofka tahayna In uu ka fogaado kana feejignaado isticmaalka dawooyinkan sida; Aspring-ta (kaniiniga xumad), Declofenac-ga, (kaninka xanuun biyaha yaryar) Ibuprofen-ka, (kaniiniga garaaca loo qaato) ama magaca guud bahda laysku dhaho (Non-Steroidal Anti-inflammatory Drugs (NSAIDs) o dhaman garaac, kaar, xumad iyo xanuun biiye ahan loo isticmalo.

Waayo ?! wad is weydiisey kollaye, dhaman kaninadan wxay keeni karaan xaaladaha khatarta ah ee aynu kor kuso xusnay sida dhiig ka yimad qofka iwm. (Eeg calamadaha khatarta ah ee xaga sare ku xusan). Ku darso oo hoosta ka xariiqo kaniinadan waxay ka hor tagaan in dhiiga xinjiraw samaysto.

Dengue-ha looma dhinto sida badanka lagu bartay, qiyaasta dhimashadisa waxa lagu qiyaasa inu ka hoseyo ama gaadhi karo boqolkiiba hal (below 1%) walaw ay jiraan qiyaaso kale oo boqolkiiba labaatan la gaadhsiiya haddi uu khatar gaadho qofkane hore loo gaadhi waayo. Sidoo kale Xanuunkan daawo malaha, waxa lagu dedaalaa in qofka laga ilaaliyo in uu gaadho heer khatareed ama noocyada kale khatarta ah.

Waxaa xooga iyo la dagaalankiisaba la saara ka hor tagiisa.

Ka hor tag waa leeyahay oo wa “Talaal-ka Dengue-ha” (Dengvaxia) (CYD-TDV) oo soo baxay 2015-ki. Waxaa isticmali karaa wixi ka wayn 9 jir ilaa 45 jir waxana la qaataa saddex jeer muddo 6 ama 12 bilood ah. (Wa qadan karaa Qof u ku dhacay Dengue ama kaa anu ku dhicin labadaba)

Talaalkan haddi aanu inaso gaadhin sida ugu wanaagsan ee aynu uga hor tagi karnaa waa la dagalanka kaneecada, iyo in aad ka feejignaato qaniinyada kaneecada.

Iskaashiga bulshada la dagalanka kaneecada, guud ahaan dalkoo dhan laga buufiyaa kaneecada goobaha biya fadhiisanka, dhirta, si loo yareeyo tarankeeda, xidhashada dhar kaa ilalin kara qaninyadeda, isticmaalka wxyalaha ay ka dido kaneecadu, ilaalinta iyo sii deynta goobaha biyahu fadhiistaan, ka war haynta guriga gaar ahaan goobaha biyaha, Xoojinta dufaaca jidhka ado isticmalaya khudaarta iyo midhaha dabiiciga ah.

Waxa aan rajaynayaa in aad haba yaraate wax un ka faaidey maqaalkan adiga iyo Dengue-hana an iskiin baray se sidad isaga celin lahayd ugana celin lahayd ehelka, qoyska, qaraabada iyo asxaabtaba wa mid adiga kuu taal in aad ka hawl gashaa ood ficilkeda la timaad.

Shaqo Wacan.

Mahadsanid

Abdisalam Hassan
Hargeisa – Somaliland
Abdisalam0114@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here