Saraakiisha caafimaadka Kenya oo baaraya qof looga shakisan yahay xanuunka Ebola

0
295

Saraakiisha caafimaadka ee Kenya ayaa baadhaya kiis looga shakisan yahay xanuunka Ebola oo lagu arkay Galbeedka dalkaas, gaar ahaan meel u dhow xuduudda dalka Uganda, oo uu ka dilaacay fayraska dilaaga ahi, waxaana wararka ka imanaya dalkaasi ay sheegayaan in illaa 35 xaaladood oo xanuunka Ebola ah in lagu arkay Uganda, halka ay jirto illaa toddoba qof oo dhimasho ahi.

Kenya ayaa heegan sare gashay ka dib markii hal bukaan oo looga shakisan yahay inuu qabo xanuunka Ebola in lagu daawaynayo isbitaalka St. Mary ee Galbeedka Kenya.

Home WARKII

Advertisement

Madaxa cusbitaalka St. Mary, Hildah Apwao ayaa saxaafadda u sheegtay in ninka looga tuhunsan yahay inuu xanuunkani ku dhacay inuu dhawaan u safray dalka Uganda, uuna booqday xarun caafimaad oo ku taalla dalkaas, halkaas oo lagu dabiibayo dadka looga shakisan yahay inuu ku dhacay xanuunkani.

Ninkan ayaa haatan ku jira qaybta karantiinka ee cusbitaalka, isaga oo sugaya natiijada shaybaadhka.

Madaxa Isbitaalka St. Mary’s Hildah Apwao ayaa saxaafadda u sheegtay in ninkan uu dhawaan u safray dalka Uganda uuna booqday xarun caafimaad oo ku taalla halkaasi si looga dabiibo go’an. Ninkan ayaa hadda ku jira qayb karantiil ah oo ku taal cisbitaalka St. Mary’s ee ku yaal Mumias, ee countiga Kakamega isagoo sugaya natiijada shaybaadhka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here