Boqor Salmaan Oo Wiilkiisa U Magacaabay Xil Sare

0
216

Boqor Salmaan Oo Wiilkiisa U Magacaabay Xil Sare

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada, halka wiilkiisa labaad Amiir Khalid uu u magacaabay wasiirka gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii.

Isku shaandheyntan ayaa wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da’da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA.

Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here