Mareykanka: 47 ruux oo Soomaali ku jirto oo loo maxkamadeynayo Lunsashada $250 milyan.

0
1927

Mareykanka: 47 ruux oo Soomaali ku jirto oo loo maxkamadeynayo Lunsashada $250 milyan.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa soosaartay war ku saabsan eedeyn Musuq oo loo haysto 47 ruux oo ay kamid yihiin Soomaali dhalashada labaad ka qaadatay Dalkaas kaddib markii ay lunsadeen lacag dhan $250 Milyan oo Doollar.

Lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta ay dhaleen Dadka dantayar intii lagu gudajiray xayiraadda ka dhalatay Covid-19 si qoysaska dhaqaalahoodu liito ay u helaan caawinaad ay ku maareeyaan duruufaha adag ee soo kordhay waqtigaas.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay lacagtaan laga soo bixiyay koontada Dowladda looguna talagalay in lagu garab istaago dadka dantayar ee aanay awoodin in ay is maareeyaan xiligii xayiraadda Covid-19.

Barnaamijka quudinta ee Dowladda Mareykanka ugu talagashay in lagu gacan qabto qoysaska dantayar ee waayay dhaqaalihii soo galayay maadaama la xayiray isu socodka Dadka ayay Dowladdu u diyaariyay fursad lagu garab istaagi karo.

Saameynta ugu badan ee Coronavirus waxa uu ku yeeshay Mareykanka, kaalinta 1aad ayuu kasoo galay liiska waddamada Caalamka sida ay ugu kala badan yihiin Kiisaska Covid-19, Dowladda ayaa gacan qabatay qaar kamid ah qoysaska dantayar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here