Queen Elizabeth (II) oo maanta lagu aasayo London.

0
224

Queen Elizabeth (II) oo maanta lagu aasayo London.

Magaalada London waxaa maanta lagu aasayaa Queen Elizabeth II oo geeriyootay 8dii September 2022 iyada oo da’deedu tahay 96 sano, waxaa aaskeeda isugu tagay Madax kala duwan oo waddamo dhowr ah ka kala tagay.

Dhaqdhaqaaqa Magaalada London ayaa la xadiday inta duugta lagu mashquulsan yahay, Charles III oo ah wiilka ay dhashay boqoraddii ugu waqtiga dheereed ee Xukunka Britain ayaa khudbad sagootin ah jeedin doonna.

Mas’uuliyiin Aaska ka qaybgalaysa oo uu kamid yahay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala duwan la qaadan doonta Boqorka cusub ee Ingiriiska Charles oo taajka uu ka dhaxlay Hooyadii ku maamuli doonna Dalkaas & waddamada kale ee hoostaga.

In ka badan 2 kun oo Madax & Boqorro ah ayaa ku sugan Bartamaha London oo saacadihii ugu dambeeyay ee aaska Queen Elizabeth lagu mashquulsan yahay, waxaana la fasaxay Goobaha Waxbarashada, Shaqada halka la joojiyay cayaaraha noocyadooda kala duwan.

Munaasabadda Aaska ayaa billaabaneysa (10:00 GMT) oo dhanka Geeska Afrika ku beegan 2:00pm (Labada Galabnimo) sida lagu shaaciyay Jadwalka loo dejiyay duugta Boqorradii Britain ee Queen Elizabeth II.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here