Putin oo sheegay inay Yurub uga xanuun badan tahay cunaqabteynta saaran

0
213

Putin oo sheegay inay Yurub uga xanuun badan tahay cunaqabteynta saaran

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyay cunaqabateynta Reer Galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka, sababo la xiriira duullaanka Ukraine oo uu ku tilmaamay “xanuun khatar ku ah caalamka oo dhan”.

Khudbad uu ka jeediyay Madasha Dhaqaalaha ee Vladivostok, ayuu ku sheegay in Ruushka uu la tacaalayo “gardarrada” dhaqaale ee Reer Galbeedka.

Laakiin, madaxweynaha Ruushka ayaa ka digay tayada nolosha dadka Reer Yurub in loo huray cunaqabataynta, halka waddamada saboolka ah ay luminayaan helitaanka cuntada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Yurub ay ku khiyaamayeen dalalka sabool ah arrimaha la xiriira badarka Ukraine.

 

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here