Taliban oo sheegtay in ay toogatay Ninka isku qarxiyay xeendaabka Safaaradda Ruushka ee Kabul.

0
284

Taliban oo sheegtay in ay toogatay Ninka isku qarxiyay xeendaabka Safaaradda Ruushka ee Kabul.

Afhayeenka Booliiska Kabul ee Taliban Khalid Zadran ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen qofka isku qarxiyay dhismaha Saafaradda Ruushka ee Afghanistan oo xiligaas ay ku sugnaayeen Dad rabay in ay qaataan dal ku galka waddankaas.

Khalid Zadran, waxa uu sheegay in qofka isku soo xiray walxaha qarxa oo ku qarxay meel barxad ah kaddib markii la toogtay inta uusan u dhawaan Dadka safka ugu jiray in ay qaataan dal ku galka Ruushka.

Afhayeenka Booliiska Kabul ee Dowladda Taliban ayaa khasaaraha ku sheegay dhimashada 6 ruux oo shacab ah oo reer Afghanistan ah maadaama ay gudaha ku jireen muwaadiniinta Ruushka ee safaaradda ku sugan.

“Qofka is qarxiyey wuxuu damcay in uu isku dhex qarxiyo dadka safka ku jiray, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay oo toogtay ka hor intii aanu gaarin halkii uu u socday, taas oo keentay in uu markiiba is qarxiyo” sidaasi waxaa bartiisa twitterka ku soo qoray afhayeenka ciidanka booliska ee Kabul.

Taliban oo muddo sanad ah gacanta ku heysa maamulka Afghanistan waxa maamulkaas wajahaya qaraxyo qaarkood lagu beegsanayo saraakiishooda iyo Ajaanib, mas’uuliyiinta amniga qaabilsan ayaa ku hanjabay in ay jawaab ka bixin doonnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here