Tiro madaafiic ah oo ku soo dhacay Degmooyinka ka ag dhaw Madaxtootada Soomaaliya.

0
278

Tiro madaafiic ah oo ku soo dhacay Degmooyinka ka ag dhaw Madaxtootada Soomaaliya.

Tiro madaafiic ah ayaa subaxnimadii saaka lagu weeraray Xaafado ka agdhaw Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo la soo warenayo in ay ka dhasheyn qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo sababay Madaafiicda lagu weeraray.

Salaadda Subax ka dib ayaa dadka degan Degmooyinka ka agdhow Madaxtooyada Soomaaliya ku soo tooseyn dhawaqa Madaafiic lagu soo garaacay, kuwaas oo geystay dhimasho illaa Afar ruux ah halka ay ku dhaawacmeyn tiro intaas ka badan, sida ay Mustaqbal u xaqiijeyeen goobjoogayaal ku sugan goobta ay wax ku soo dhaceyn.

Degmooyinka kala ah Waaberi, Boondheere, Xamarweyne iyo Shingaani oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo dhaceyn tiro Madaafiic ah, oo laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday qaar ka mid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho, si loola tacaalo xaaladdooda Caafimaad. illa hadda wax war ah kama soo bixin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah oo ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here