Al-Shabaab Oo Ku Hanjabay In Ay Weeraro Culus Ku Qaadayaan Dalka Kenya

0
265

Al-Shabaab Oo Ku Hanjabay In Ay Weeraro Culus Ku Qaadayaan Dalka Kenya

Dagaalamaayasha Shabaab ayaa soo saaray hanjabaad cusub oo ka dhan ah dalka Kenya, iyaga oo sheegay inay sii wadayaan weerarada ay ka geysanayaan dalkaas inta ay ciidamada dalka Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ku qornaa afka Ingiriisida oo ay soo saareen Al-Shabaab ayay intaas ku sii dareen inay sii wadayaan, weerarada ay ka fuliyaan magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas, illaa inta ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya.

“Waxaan sii wadi doonnaa in aan xoogga saarno weerarada aan ku qaadno magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka Kenya” ayaa lagu yiri qoraal ay Al-Shabaab soo saareen.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaaro badan dhaliyay ka fuliya dalka Kenya, waxaana weeraro hore oo ay qaadeen ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale dad shacab ah.

Waxaana xusid mudan in Dowladda Kenya ay sheegtay in ay qaadi doonto howgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay kaga hor tagayaan weerada ay ku qaadaan gudaha dalkeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here