Maxay Tahay Farriinta Xasan Sheekh Ee Ku Aaddan Dagaalka Al-Shabaab?

0
225

Maxay Tahay Farriinta Xasan Sheekh Ee Ku Aaddan Dagaalka Al-Shabaab?

Madaxweynaha Soomaaliya oo hsir guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Qaranka ayaa sheegayin dowladiisa ay waddo qorshayaal ay ku dabar goyensay Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay war-saxaafadeedkasoo baxay xafiiskiisa kadib kulan uu la yeeshay saraakiisha guddiga amniga qaranka, Wuxuuna hadalka jeediyay ka dib qarixii lala eegtay hotel xayaat oo ay dad 20 ka abdan ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inuu ogyahay in shacabka Soomaaliyed ka daaleen tacsida, waxaana uu sheegay inuu ugu baaqayo dadweynaha inay isku diyaariyaan dagaal aan waxba lala harin oo ka dhan ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay Al-Shabaab soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna.”

Shirka aan caadiga ahayn ee Guddiga Amniga Qaranka wayaa wxaa ka soo qeyb galaywasiirada Arrimaha Dibadda, Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka Khadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here