Madaxwayne Biixi oo loogu baaqay in Shuruud la’aan kusii daayo Dad ay xireen Ciidamada ammaanka.

0
269

Madaxwayne Biixi oo loogu baaqay in Shuruud la’aan kusii daayo Dad ay xireen Ciidamada ammaanka.

Odoyaal dhaqameed isku xilqaamay dhexdhexaadinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi & Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID ayaa dalbaday in xabsiga laga soo daayo tiro Dad ah oo ay xireen Ciidamada ammaanka Somaliland.

Salaadiintaan waxa ay ka digeen in la sameeyo fal weliba oo dhaawacaya dedaallada ay wadaan si xal loogu helo dhibaatooyinka ka dhashay khilaafka Xukuumadda & Axsaabta mucaaradka ee salkiisu yahay Doorashada November 2022.

Suldaan Maxamuud Guuleed, Suldaan Siciid & Suldaan Xasan oo ku hadlay Afka Duubabka dhaqanka ee dhexdhexaadinta wada ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu dhiirado in xabsiga la dhigo dad ay kamid yihiin Odoyaal dhaqameed.

Wadajir ayay ugu baaqeen Xukuumadda & Mucaaradka in loo dhega nuglaado lana soo dhaweeyo dedaallada Salaadiinta isku xilqaantay dhexdhexaadinta si loo booga-dhayo dhammaan waxyaabaha la kala tirsanayo.

“Xukuumadda, Dadka taabacsan & Mas’uuliyiinta Xisbiyada waxa aan ugu baaqeynaa in laga fogaado wax weliba oo xanaf dhalin kara, waa nasiib darro in Xukuumaddu ku dhiirato in ay xirto Dadka gaar ahaan Salaadiinta dhaqanka waayo Xal ma aha xadhigu, hala soo daayo Suldaan Axmed Cadde Gude” ayuu yiri Suldaan Siciid.

Waa horaantii August 2022 guuldareystay dhexdhexaadin ay wadeen guddi ka kooban Ganacsato, Culimo & Odoyaal dhaqameed kaddib markii la isku mari waayay shuruudo ay is hor dhigeen Xukuumadda & Xisbiyada Mucaaradka, waxaa xigay dibadbixii rabshadaha watay ee dhacay 11kii August 2022 ee sababay dhimashada 6-ruux, dhaawaca in ka badan 20 qof & burbur Hanti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here