Dowlada Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dishay Hoggaamiyeyaal Shabaab Ka Tirsan

0
254

Dowlada Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dishay Hoggaamiyeyaal Shabaab Ka Tirsan

Dawladda Itoobiya ayaa kudhawaaqday dilka 3 kamid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Ururka Al Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Jen, Tesfaye Ayaleh oo ah madaxa ciidamada difaaca iyo Isku duwanaha Howlaha KMG ah ee Taliska Nabadsugida Itoobiya ayaa kudhawaaqay.

1.Fu’ad Mahamed Khalif[Shengole] oo ahaa Madaxa abaabulka iyo Tashkiilinta kooxda Alshabaab, kamid ahaa madaxda sare ee kooxdan, Dawladda Mareykanka ayaa kuraadinaysay Xogtiisa in lakeeno Malaayiin Dollar.

2- Abdul Casiis AbuMuscab oo ahaa afhayeenka kooxda Al Shabaab ee dhinaca Howlgalada.

3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa Abaabulka xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool.

Afhayeenka dhanka howlgalada ee Al-Shabaab, C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa saacado ka hor sheegeen in ciidamada Ethiopia ay ku dileen dagaal shalay dhacay.

Kooxda ayaa sidoo kale beenisay in Hogaamiye Sare Fu’aad Shangole lagu dilay dagaaladii maanta ka dhacay Aato, Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here