Ruushka Oo Gantaalaha Riddada Dheer Ku Garaacay Dekadda Odesa Ee Ukraine

0
317

Ruushka Oo Gantaalaha Riddada Dheer Ku Garaacay Dekadda Odesa Ee Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Odesa ku garaacay gantaalaha riddada dheer, duqeyntaasi oo shaki gelisay dhaqan galka heshiiskii shalay la gaaray oo ku saabsanaa in dib loo billaabo dhooffinta hadhuudhka.

Ruushka ayaa heshiiskaasi ku ballan qaaday iney wax duqeyn ah ku beegsaneyn maraakiibta xamuulka ee hadhuudhka ka soo qaadaya ama geynaya dekadda Odesa.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr gantaal oo kuwa riddada dheer oo ay soo rideen ciidamada Ruushka ay magaaladaasi ku dhaceen waxyeellana ay u geysteen kaabayaasha dekadda.

Afhayeenka wasaaradda gaashaan dhigga Ruushka wuxuu sheegay heshiiski dhoofinta hadhuudhka ee ay labada dhinac gaareen haddii uu fashilmo mas’uuliyaddeeda inuu Ruushka qaadayo.

Ciidamada Ukraine waxay sheegeen 4 gantaal oo kuwa riddada dheer in magaalada lagu soo riday laba ka mid ahna ay hawada ku burburiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here