Haweenaydii Aflagaadaysay Nabi Maxamed “NNKH” Oo La Waayay Iyo Booliska Hindiya Oo Baadi Goobaya

0
242

Haweenaydii Aflagaadaysay Nabi Maxamed “NNKH” Oo La Waayay Iyo Booliska Hindiya Oo Baadi Goobaya

Koox ka socota booliska magaalada Mumbai ayaa caasimadda Delhi ku sugan muddo afar maalmood ah, iyagoo ka war sugaya xogta ku saabsan halka ay ku maqan tahay Nupur Sharma, oo ah haweeneydii dhawaan jeedisay hadallada carada dhaliyay ee gafka ku ahaa Nabi Muxammad (Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee).

Wargeyska Times of India oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa maanta shaaciyay in ciidan loo soo diray haweeneydaas ay Delki joogaan afartii cisho ee lasoo dhaafay.

Sarkaalka oo la hadlay wargayska ayaa sheegay in isaga iyo ciidanka la socda ay u imaadeen si ay su’aalo u waydiiyaan haweeneyda ahaan jirtay af hayeenka Xisbiga talada haya ee BJP.

Ms Sharma ayaa jagadaas laga qaaday kaddib markii uu hadalkeeda kiciyay dadka Muslimiinta ah oo aad uga soo hor jeestay.

Laakiin ilaa hadda lama helin gabadhan. Waxaa socda dadaallo lagu raadinayo gabadhan oo aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
Maadaama gurigeeda laga waayay, sarkaalka ayaa sheegay in hadda ay u diraan farriimo dhinaca email-ka ah oo ay ugu sheegayaan in ay booliska Mumbai raadinayaan.

Ma cadda in siyaasiyaddan ay si ulakac ah u dhuumanayso iyo in kale.

Nupur Sharma ayaa hadalladeeda muranka dhaliyay ee aflagaaddada ku ahaa Nabiga (NNKH) ka jeedisay dood ay uga qayb gashay Telefishinka.

Hindistan Times oo ka mid ah wargaysyada ugu caansan dalka Hindiya ayaa tabiyay in Booliska Mumbai ay Jimcadii sheegeen in afhayeenkii hore ee xisbiga BJP, Nupur Sharma, aysan arkin afar maalmood, wax war ahna aysan ka helin.
Maalintii ay taariikhdu ku beegnayd 11-kii bishan June ayuu taliska saldhigga booliska Pydhonie ee magaalada Mumbai soo saaray warqad uu ugu yeerayo haweeneysan. Waxaa lagu amray in ay booliska u tagto ka hor 25-ka bishan June, si xog looga qoro, su’aalana loo waydiiyo.

Irfan Shaikh ayaa dacwad ka dhan ah Sharma u gudbiyay ciidanka amniga, gaar ahaan kuwa ka howl gala Mumbai.

Sida ku xusan dacwaddiisa, haweeneydan waxaa loo haystaa in ay ku xad gudubtay diinta, arrintaasna ay ku waxyeelleysay dad badan oo ka mid ah bulshada.

Dacwadda ayaa la diiwaan geliyay 10-kii June, oo ahayd maalin ka hor Jimcadii lasoo dhaafay oo ay salaadda kaddib dhaceen mudaharaadyo qalalaase wata oo saameeyay meelo badan oo ka mid ah Hindiya.

Wargayska Telegraph ayaa qoray in kooxda ka socota booliska Mumbai aysan caawinaaddii loo baahnaa ka helin booliska magaalada Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here