Sida Looga Falceliyay Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya

0
305

Sida Looga Falceliyay Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa raysal wasaare u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka xubin ka ahaa xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu in muddo ah ka baaran dagaya xulashada qofka noqon doono ra’iisal wasaaraha, islamarkaana uu u arkay inuu Xamsa yahay shakhsi ka soo bixi kara howshan.

Xamsa oo hadlay ka dib magaacbistiisa ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukumad u qalanto inay dalka samatabixiso kana sahqeyso hadafka ah Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Haddaba sidii looga falceliyay magacaabista raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre?
Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Xuseen Rooble, raysal wasaarihii xukuumadda xil-gaarsiinta ee dowladdii uu hogaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Raysal wasaarahii hore ayaa bartiisa Facebook sidan ku soo qoray:

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul.”

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa codkiisa ku biiriyay mas’uuliyiinta u hambaleeyay raysal wasaaraha magacaaban:
“Waxaan hambalyo u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu maanta magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassab Sheekh Maxamuud. Aniga oo dareensan culeyska shaqo iyo miisaanka mas’uuliyadeed ee xilka Ra’iisul Wasaaranimo, waxaan Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre u rajeynayaa in Allah uu ku asturo xilka, una fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.”

“Waxaan codsanayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo Ra’iisulwasaaraha cusub. Gaar ahaan waxaan golaha shacabka si gaar ah uga codsanayaa in si deg-deg ah ay usoo dhaweeyaan, una ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha, si uu usoo dhiso xukuumad dar-dar gelisa dhamaan shaqooyinka la xiriiro dib usoo kabashada dowladnimadeena oo hakad galay labadii sano ee ugu dambeeyay.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna u hambalyeeyay raysal wasaaraha magacaaban:
“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday, “ayuu ku soo qoray boggiisa Facebook.

Dadka kale ee ka falceliyay waxaa ka mid ah Xidhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo sidan isna bartiisa Facebook soo dhigay:

“Hambalyo mudane Xamsa Cabdi Barre Raiisul Wasaaraha magacaaban ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ilaah uga baryayaa inuu waaafajiyo sida danta dalka iyo dadku ku jirto. Soomali heshiis ah dunidana heshiis la ah.”

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed ayaa isna bartiisa Twitter ku soo qoray sidan:
“Hambalyo Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Barre. Waxaan diyaar u nahay inaan kaa caawinno gudashada hawlaha lagugu aaminay ee ah hoggaaminta qaranka. Allaah ha haku fududeeyo xilka culus ee lagu saaray ee ah hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed”

Dadka aan siyaasiyiinta ahayn ee u hambalyeeyay raysal wasaaraha magacaaban waxaa ka mid ah Axmed Kadiye oo ka mid dhalinyara caanka ah baraha bulshada.

“Hambalyo Mudane Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Kheyrkaaga Allaha nasoo xijiyo,” Axmed ayaa sidaasi bartiisa Facebook ku soo qoray. Guuleyso”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here