40 Kun Oo Arday Oo Maanta U Fariisatay Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland

0
371

40 Kun Oo Arday Oo Maanta U Fariisatay Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland ayaa saaka si rasmi ah uga furmay guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, tirada aradyda u fariisatay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland ayaa dhan 40,000 oo arday.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa waxa uu dhammbaal hambalyo iyo duco ah u diray ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Maamulka si habsami leh looga wada fadhiistay.

Imtixaanaadkan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 40,000 (Afartan kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu u diray dhammbaal hambalyo ah oo uu kula qaybsanayo farxada iyo rayn-raynta ay Ardaydaasi saaka ku galayaan imtixaanaadkaasi.

Sidoo kale madaxweynuhu ayaa waxa uu ardayda tirada badan oo ah markii u horaysay ee tiro intaa leegi ay u fadhiisato imtixaanaad shahaadi ah in Alle u fudaydiyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu.

Ugu danbaytii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ardaydaasi u rajeeyay inay guul ka gaaraan mustaqbalkooda waxbarasho iyo dadkoodana ku anfacaan, halkaana ay ka sii wadaan hayaankooda waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here