Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Rabshadihii Ka Dhacay Magaalada Hargeysa

0
315

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Rabshadihii Ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Beesha Caalamka ayaa ka hadashay rabshado ka dhashay banaanbixii shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ee looga horjeeday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo ku jiray Xildhibaan Barkhad Batuun.

Qoraal ay soo saareen dalalka Beesha Caalamka ee doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada ka taageera Somaliland ayaa sheegeen inay aad uga xun yihiin rabshadihii ka dhacay Hargeysa, ayna ka wacaasan yihiin dhacdooyinkaas,.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Somaliland iyo kuwa Mucaaradka ugu baaqday inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan nabada iyo daganaanshaha, isla markaana muhiim ay tahay in dhinacyada khilaafyada ka dhex jira lagu dhammeeyo wadahadalo wax ku ool ah

“Saxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Beesha Caalamka.

Waxaa Qoraalka Beesha Caalamka lagu soo gaba-gabeeyay “Si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada Somaliland waxa muhiim ah, in dhamaan dhinacyadu ka qayb qaataan wadahadalo wax ku ool ah, oo joogto ah, si is afragad looga gaadho sidii hore loogu sii socon lahaa”.

War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxaana dalalkaan ay Somaliland ka taageeraan doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here