Goobaha Ganacsiga Magaalada Tog-Wajaale Oo Maanta Xiran Iyo Sababta Keentay

0
379

Goobaha Ganacsiga Magaalada Tog-Wajaale Oo Maanta Xiran Iyo Sababta Keentay

Waxaa Maanta gebi ahaan xiran goobaha Ganacsiga Suuqyada ku yaalla Magaalada Tog Wajaale oo ku taala xuduuda Deegaanka Soomaalida uu la wadaago Somaliland, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Magaaladaas.

Ganacsatada Suuqyada Magaalada Tog Wajaale ayaa saaka furin goobahooda Ganacsi, isla markaana sheegay inay Go’aansadeen inay Albaabada isugu dhftaan goobaha Ganacsiga Magaalada, iygoona ka hadlay sababta arrintaas.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa sababta keentay xirnaashaha Suuqyada ku sheegay inay tahay inuu jiro sicir barar dhinaca sarifka ah, isla markaana Safirka lacagta 100-ka dollar ay mareyso 8000 Bir ee lacagta laga iticmaalo Magaalada.

Arrintaan aya waxaa ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka Magaalada Tog Wajaale iyo qoysaska danta yar, waxaana Sawirro laga soo qaaday goobaha Ganacsiga ay muujinayaan in Albabaabada ay u xiran yihiin goobaha, sidoo kalena uusan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here