10 ruux oo ku geeriyootay Doon dalxiis oo ku degtay Jasiiradda Hokkaido ee Japan.

0
438

10 ruux oo ku geeriyootay Doon dalxiis oo ku degtay Jasiiradda Hokkaido ee Japan.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux oo dalxiisayaal ah ayaa geeriyootay halka qaar kale lasoo badbaadiyay kaddib markii ay rogmatay Doon ay la socdaan oo mareysay Jasiiradda Hokkaido ee dhacda Waqooyiga Japan.

Sarkaal katirsan Waaxda Dalxiiska Japan ayaa sheegay in la sameeyay dedaal xooggan balse lagu guuldareystay in la badbaadiyo dadka dhintay inkasta oo uu intaas ku daray in lasoo badbaadiyay dad ku dhaw ruux.

Shaqaalaha la socday Doonta ayaa qaylo dhaan gaarsiiyay waaxda ugu dhaweyd, howlgalka ka dhashay ka jawaabista qaylo dhaanta ayaa loo adeegsaday Doomo & diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaan.

Goobaha dalxiiska Japan ee galay Diiwaanka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan diiwaangelinta goobaha qadiimiga ah ee UNESCO waxaa dalxiis u taga Dad kala duwan si ay usoo arkaan goobahaas.

Dowladda Japan ayaa dhaqaale ka hesha dalxiisayaasha balse mararka qaar waxa ay wajahaan halis ay naftooda ku waayi karaan waxaana loo sababeeyaa is baddelka cimilada sida waqtiga Barafka, Roobka xooggan, Dabeylaha & duufaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here