Axmed Madoobe: “Beesha Caalamka waxa ay la wareegeysaa kuraasta Gedo aan idiin kala qaybino adiga & Farmaajo”.

0
398

Axmed Madoobe: “Beesha Caalamka waxa ay la wareegeysaa kuraasta Gedo aan idiin kala qaybino adiga & Farmaajo”.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay u bandhigtay in 16ka kursi ee deegaan-doorashadoodu tahay Garbahaarey loo kala qaybiyo isaga iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe oo la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka 11aad ee lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay in aanay sabab ku qabsi karta ku gorgortanka 16ka kursi ee deegaan-doorashadoodu tahay Gobolka Gedo.

“Kuraasta aan la qaban ee Ergada la iigu imaanayo ee la ileeyahay aan idiin qaybino adiga iyo Farmaajo ma garan karo macnahaas waxa ay noqoneyso, Xildhibaanka qaado la I leeyahay sidee yeelayaa oo intee geynayaa, waxa aan rabaa in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah xitaa halkii kursi haba u tartamaan 10 musharax, kursi Axmed ahaan aan qaadanayo ee aan ku gorgortamayo ee aan dhahaayo Cali Qaado cumarna isii ma jiro, Doorasho furan oo ay goobjoog ka tahay Beesha Caalamka hala qabto” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Heshiiskii 17ka September waxa aan ku galay in kahor Doorashada Gobolka Gedo gacanta maamulka lasoo geliyo, Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kuraasta Xildhibaannada qaybiyay xiligii (Embagatti Kenya) yaa ka mudan in looga dambeeyo maamulka kuraasta” ayuu hadalkiisa siiraaciyay Madaxweynaha DG Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale wax laga xishoodo ku tilmaamay warqaddii Hay’adda NISA ku sheegtay in la beegsanayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Billaahi Caleykum, Ciidan Qaran oo Nabadsugid ah oo amniga mas’uuliyiinta oo dhan saaran tahay in inta warqad soo qaraan oo ay dhahaan Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Nin Hebel iyo hebel la yiraahdo ayaa isku qarxinaya, ceebta ka dhacday waxa ay ahayd kuwii ay ku sheegayaan ayaa xitaa yiri qofkaas ma naqaan” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe.

“Aaway Dowladnimadii? Aaway Amnigu? Ciddii la xisaabtami lahayd waa Baarlamaanka, war Baarlamaan Nabadsugid xasanad ka raadinayaan oo Hay’adda dhan wada fadhiisanaya, marka hore waa wax xalaal ah ku noolaatid, waddankaan Doorashaa xal u ah” Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here