Qatar: Koobka Adduunka 2022 & culeyska Dooxa ka heysta Taageerayaasha ka qaybgala Koobkaas.

0
490

Qatar: Koobka Adduunka 2022 & culeyska Dooxa ka heysta Taageerayaasha ka qaybgala Koobkaas.

Waddanka Qatar oo martigelinaya koobka adduunka 2022 waxaa la diiwaangeliyay in culeys dhanka martida ah uu lasoo dersay dalkaas maadaama koobkaan ay u daawasho tagayaan dad lagu qiyaasay 1.2 Milyan oo ruux oo taageerayaal ah.

Waxaa intaas dheer Ciyaartoyda xulalka, Macalimiinta, Dhaqaatiirta, Shaqaalaha iyo dhammaan xubnaha la socda Qaramada ka qaybgalaya Koobka Adduunka 2022 oo u baahan in ay helaan Hoteello wanaagsan, goobo ay isugu tagaan iyo waxyaabaha kale ay daneynayaan.

Qatar ayaa diyaarisay Hoteello ku dhaw Garoomada loogu talagalay in lagu ciyaaro balse culeyska waxa uu ka imaanayaa qaadka Hoteellada oo welwelka ugu weyn ee Dooxa heysta uu yahay in ay yaraadaan ama deeqi waayaan Dadka Tikidhada sii goystay.

Dalka Qatar oo ah waddan yar ayaa dhaqaale badan ku bixiyay sanadihii lasoo dhaafay dhismaha Garoomo casri ah oo qaadka dadka uu weyn yahay, Hoteello iyo goobo la dhigto Gawaarida xulalka, shaqaalaha iyo askarta ilaalada ah.

28ka cisho ee uu soconayo Koobka Adduunka 2022 waxa ay taageerayaashu u baahan yihiin adeeg ku filan oo u qalma lacagaha ay ku bixinayaan waddanka Qatar, 8 Garoon ayaa ku hareereysan Magaalada Dooxa oo ah Caasimadda Dalka.

Madaxweynaha Hay’adda ugu sarreysa Ciyaaraha ee FIFA Ninka lagu magacaabo Gianni Infantino oo xilka qabtay kadib markii la go’aamiyey in dalka Qatar uu martigeliyo koobka dunida 2022 ayaa kormeer ku sameeyay Garoomada iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Waxa uu markii hore qorshuhu ahaa in Qatar lagu lamaaniyo waddamada kale ee Deriska la ah si ay dhaqaale wadaag u noqdaan una fududeeyaan martigelin wanaagsan oo xiiso iyo xusuus ku reebaya maskaxda taageerayaasha xulalka ka qaybgalaya koobka Adduunka 2022.

Qaban-qaabiyayaasha ayaa ku xadiday in hotellada illaa 3 xidigood ah, in taageerayaasha lagaga kireeyo illaa $120. Golaha sare ee adeegga ee dalka Qatar ayaa ballan qaaday inay diyaar noqonayaan illaa 130,000 oo qol iyo illaa 60,000 oo isugu jira guryaha kooban ee la dego (Apartments) iyo illaa 4000 oo qolaalka raaxada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here