Ciidamada Ruushka Oo Weerar Ku Ekeeyay Dad Banaanbax Ka Dhigaayay Magaalo

0
293

Ciidamada Ruushka Oo Weerar Ku Ekeeyay Dad Banaanbax Ka Dhigaayay Magaalo

Ciidamada Ruushka ayaa weerar ku ekeeyay bannaanbax ay dhigayeen dadka ku nool magaalo ku taal koonfurta Ukraine oo ay ku taal warshadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub.

Dadka ku nool magaalada Ener-hoodar ee la haysto ayaa isugu soo baxay dibad-bax ay ku taageerayeen Ukraine.

Balse Afhayeen u hadlay warshada korontada ayaa sheegay in markii ay bilaabeen in ay baxaan ay ciidamada Ruushku yimaadeen ka dibna ay bilaabeen in ay dadka rayidka ah xirxiraan oo ay baabuur yar yar ku guraan.

Dhawaqa qaraxyada ayaa laga maqli karayaa muuqaalo la soo galiyay internet-ka, kuwaas oo laga soo duubay wax u muuqda bambooyinka gacanta laga tuuro iyo gaaska dadka ka ilmaysiiya.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhaawacmeen. Waxaana hawada ka maqan Internetka iyo khadadka telefoonka ee Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here