Baashe Bushaaro: Waxa aan ku waayay Dabka Hargeysa hanti ka badan $400,000.

0
466

Baashe Bushaaro: Waxa aan ku waayay Dabka Hargeysa hanti ka badan $400,000.

Dab xooggan oo saameyn taban ku yeeshay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Bartamaha Hargeysa ayaa sababay khasaare Hanti, saacado ayaa lagu howlanaa daminta Dadkaas si looga hortago in uusan u gudbin goobo horleh.

Ganacsatada Suuqaas ayaa Dowladda Hoose ee Hargeysa ku dhaliishay in ay gabtay kaalinteeda kaddib markii ay awoodi weysay in furto waddooyin ay maraan Gaadiidka Dab damiska iyo kuwa Cagafta loo yaqaan ee wax dumiya.

Baashe Bushaaro waxa uu kamid yahay Ganacsatada ku hanti Beeshay Dabka, waxa uu sheegay in 10 goob uu lahaa dhammaantood basbeeleen, hantida uu ku waayay waxa uu ku tilmaamay in ay ka badan tahay $400,000 (Afar boqol oo kun oo Doollar).

Duqa Magaalada iyo mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Hargeysa ayuu ku dhaliilay in kaalintooda ay kasoo bixi waayeen maadaama dhowr jeer la gaarsiiyay Digniin ah raadinta waddooyin ay ka gudbi karaan Gaadiidka haddii dambe uu kaco.

“Khasaaraha waa mid baaxad weyn, waana wax Qadar alleku kacay iyo dedaal xumo weyn uu sameeyay Maayirka oo u taak heli waayay oo waxaa la waayay meel laga galo & meel laga baxo, waxa aan ku lahaa 10 Meherad oo dhammaan gubtay waxa saameyn gaar ii ah lacag qiyaastii $400,000, alle ayaan weydiisaneynaa Caawinaad” ayuu Yiri Ganacsade Baashe Bushaaro.

Dhanka kale, Duqa Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa shacabka isugu tagay Suuqa ku eedeeyay in ay leeyihiin mas’uuliyadda faafitaanka Dabka kaddib markii uu ku dooday in ay waddooyinka ka hor istaageen Gaadiidka iyo waaxda gurmadka degdega ah.

Waxa uu sheegay in maanta Bandow la geliyay Suuqa Hargeysa ee Gubtay si Dowladda Hoose ay ka qabsato Waajibaadka ka saaran oo ah hubinta dabka iyo hagaajinta, qofkii lagu dhex arka suuqa ayuu tilmaamay in la xiri doono.

“Waa maqaadiir ilaahey, alle mahadi cidi nagama dhiman balse waxaa ku hanti beelay Dad badan, waxaa nasiib darro ah in la waayo meel ay soo maraan Booyaha & dab damiska oo waa in aan wax ka baddelkaa dhaqanka ah in aan hor istaagno Gaadiidka, Hanti badan waala badbaadi karay balse meel loo maro ayaa la waayay, Bandow ayaan saarnay oo wixii ka dambeeya 6da aroornimo (6:00AM) Suuqa looma ogolaan doono Cid aan ahayn Booliiska, Dab damiska iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose” ayuu yiri Maayirka Hargeysa.

Suuqa Waaheen ee Gubtay waxaa lagu qiyaasay hantida ku basbeeshay malaayiin Doollar, Daminta Dabkaas ayaa qaatay in ka badan 10 saac, Isbitaalka Magaalada Hargeysa waxaa la geeyay Dad ku dhaawacmay oo u badan Jab iyo gubniin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here