Ciidamada Ruushka Oo Duqeeyma Xooggan Ka Geeystay Magaalada Lyschansk.

0
535

Ciidamada Ruushka Oo Duqeeyma Xooggan Ka Geeystay Magaalada Lyschansk.

Soddon iyo shan maalmood ayaa ka soo wareegtay markii uu billowday dagaalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, kaasi oo burbur  xooggan u geeystay magaalooyinka waaweeyn ee Ukraine,

Boqolaal qof ayaa waxaa gaaray dhimasho iyo dhaawac ah, sidokale kumanaan qof ayaa gudaha dalkaasi ku barakacay intii ay socdeen dagaalada.

Barasaabka gobolka Lugansk ee dhaca bariga Ukraine, Sergey Gaidai, ayaa  warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saakay madaafiic culus lala beegsaday xaafado ka tirsan magaalada Lyschansk ee bariga Ukraine, kuwaasi oo la sheegay in ay geeysteen waxyeello kala duwan.

Shalay ayay aheed markii Wada-hadallo nabadeed ay ka furmeen magaalada Istanbul, halkaasi oo uu Ruushka kaga dhawaaqay inuu dhimi doono howlgallada milateri ee ka socda magaalooyinka Kyiv iyo Chernihiv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here