Baro Hababka Dabiiciga Ah Ee Loo Baabi’yo Finanka Wajiga.

0
1384

Baro Hababka Dabiiciga Ah Ee Loo Baabi’yo Finanka Wajiga.

finanka wajiga waxaay dhaawici karaan kalsoonideena. Oo ma ahan mid khuseysa bilic sanaan teena oo kaliya, waxay calaamad u noqon kartaa xaalado caafimaad.

Hormoonada oo aa isku dheeli tirnayn ayaa waxay sababaan finanka/furuuruca.

Waxaana ku hareeree san nahay kiimikooyin, sun, iyo wasakh badan oo khalkhal ku keeni kara hormoonadeena. Ka fogoow dufanka, sonkorta badan, waxyaabaha lagu daray ama ka sameysan caanaha, qaxwaha. Isticmaal dufanka wanaagsan sida afagaadhada, lowska.

Awood u yeel aashitada caloosha:

Aashitada caloosha oo yar waxaa lala xidhiidhiyaa finanka. Hadii ay aashitadu yar tahay, si fiican uma burburin karto cunnada, sidaa darteed jidhkaagu ma heli karo nafaqada uu u baahan yahay. Cab biyo lagu daray liin dhanaan ama khalka tufaaxa.

Hormari bakteeriyada fiican ee ku jirta dheef shiidka

Isku dheeli tirnaanta bakteeriyada fiican hadii ay meesha ka baxdo waxay horseedi kartaa caabuq raaga iyo finan. Hadii aad tahay dadka isticmaala kaniinka qalajiyaha, ogoo wuxuu dilaa bakteeriyada fiican iyo tan xunba.

Shiid khudaarta iyo midhaha

Fiitamiinada iyo macdanada ku jira khudaarta cagaaran iyo midhaha sida tufaaxa iyo muuska, waa kuwo caawin kara in maqaarka uu wanaag sanaado. Sida ugu dhakhsiyaha badan ee looga soo saari karo fitamiinada iyo macdanta waa in la shiido

Isticmaal dacar:

Dacartu waxay leedahay dawo wanaagsan, waxay ka hortag taa caabuqa iyo saameynta bakteeriyada, sidoo kale waxay hormarineysaa dib usoo kabsashada maqaarka.

Dacarta kala jeex, oo mari wajiga walaxda jiijiid meysa ee ka imaneysa meesha adka kala jeexda, ama soo iibso jelka ka sameysan dacar boqolkiiba boqol, oo mari meesha maqaar ee finanka leh ama guduudatay.

Biyaha lagu daran liin dhanaan:

Biyaha lagu daran liinta waxay u fiican yihiin baaba’inta summadda finanka, si doo kale waxaa ku jira fitamin C badan, kaas oo ka dhigaya maqaarka mid siman oo iftiimaya

Madho biyo lagu daray liin maqaarka xiliga fiidkii. Kadib maydh 20 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo diiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here