RW Rooble Iyo Madax Farabadan Oo Ka Qeyb Galay Salaadda Janaasada Aamina Cabdi

0
495

RW Rooble Iyo Madax Farabadan Oo Ka Qeyb Galay Salaadda Janaasada Aamina Cabdi

Meydka Allaha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo qarax Is-miidaamin ah lagu dilay ayaa waxaa salaadda Janaasada lagula tukaday gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo laga soo dejiyay Meydka.

Tukadasha salaadda Janaasada ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Mas’uuliyiin kala duwan, siyaasiyiin iyo dad kale, kuwaasi oo Meydka Aamina Salaadda kula tukaday Garoonka.

Madaxda ayaa dhammaantood Alle uga baryay inuu naxariista jano ka waraabiyo Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka, taas oo qarax Is-miidaamin ah lagula beegsaday Baladweyne.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, xili ay socod ku mareysay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kalena goobta ku dhintay Askar ilaalo u aheyd Aamina.

Allaha u naxariistee Aamina Cabdi ayaa markii hore Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan u tegtay tartanka doorashada kursiga ay ku fadhiday oo mar kale ay dooneysay kursigaas, iyadoo maalmihii dambe ay waday olole doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here