Ruushka oo mar kale soo hadal qaaday adeegsiga hubka nukliyeerka.

0
302

Ruushka oo mar kale soo hadal qaaday adeegsiga hubka nukliyeerka.

Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu isticmaali karo hubka nukliyeerka haddii Ruushka uu la kulmo “khatar ka dhan ah jiritaankiisa”

Mar ay CNN weydiisay in Madaxweyne Putin uu ka fiirsan doono adeegsiga hubka Nukliyeerka, Peskov ayaa yiri, “Waxaan leenahay fikradda amniga gudaha waana mid la heli kara, waxaad akhrin kartaa dhammaan sababaha hubka Nukliyeerka loo isticmaalo.

“Sidaas darteed haddii ay khatar ku tahay waddankeena, markaa [hubka nukliyeerka] waxaa loo isticmaali karaa si waafaqsan fikraddayada.”

Dhanka kale, Pentagon-ka ayaa ku tilmaamay hadalka nukliyeerka “mid halis ah”, laakiin wuxuu sheegay in Maraykanku uusan u baahnayn inuu beddelo mowqifkiisa ka hortagga.

Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka Leon Panetta ayaa sidoo kale dhaleeceeyay faallooyinka Peskov.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay 28-kii February, maalmo uun ka dib markii uu Ruushku galay Ukraine, in uu heegan gaar ah gelinayo ciidammada nukliyeerka ee Ruushka.

Dhanka kale, ciidamada cirka ee Ruushka ayaa la sheegay in ay wali sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan magaalooyinka dalkaasi.

Dagaalka xooggan ayaa ka socda agagaarka caasimadda Kyiv iyadoo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine la sheegay in mid walba uu guulo ka gaaray.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa dhankooda sheegaya in ciidamada Ruushka ay soo wajahday cunto yari iyo shidaal yari iyo waliba jawiga oo si aad ah u qabow

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky ayaa sheegay in ilaa 100,000 oo qof ay ku harsan yihiin magaalada dekadda leh ee Mariupol oo ku taal koonfurta dalkaasi, iyadoo duqeymo ba’an ay ka geysanayaan Ruushka.

“Laga bilaabo maanta, magaalada waxaa ku sugan dad gaaraya 100,000 oo qof, kuwaasoo ku sugan xaalad bini’aadantinimo ka baxsan, go’doomin buuxda, cunto la’aan, biyo la’aan, dawo la’aan iyo duqeymo joogto ah,” ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in dadaallada lagu badbaadinayo dadka rayidka ah ee halkaas ku sugan iyada oo loo marayo marinnada bini’aadantinimada ay hakiyeen duqeymaha.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo cunaqabatayn dheeraad ah oo uu ku soo rogo Moscow marka Madaxweyne Biden u safro Brussels si uu wadahadal ula yeesho hogaamiyayaasha Nato iyo G7 Khamiista.

Zelensky ayaa dhankiisa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo kulanka isagoo adeegsanaya qaabka fogaan-aragga.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inuu u isticmaali doono fursada in uu ugu baaqo Nato in la xoojiyo difaaca hawada Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here