Muqdisho : Wiil Dhalinyaro Ah Oo Taleefan Dartiis Loogu Dilay.

0
453

Muqdisho : Wiil Dhalinyaro Ah Oo Taleefan Dartiis Loogu Dilay.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo loo gaystay Wiildhalinyaro ah, kana mid ahaa Dhalinta waxbaratay ee ku sugan dalka.

Alle ha u Naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinuur Cabdullaahi Warsame Black, waxaaan uu ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Muqdisho, iyadoo dilku uu ka dhacay Degmada Warta Nabadda ee Gobolkani Banaadir.

Koox hubaysan ayaa la sheegay in ay dilka u gaysteen Marxuumka, xili uu ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalla Wartanabadda.

Dad Goobjoogayaal aha ayaa sheegay in dableyda falka dilka ah gaystay ay doonayeen in ay Marxuumka ka dhacaan taleefan uu watay, iyagoo Goobta ka baxdaday dilka kadib.

Goobta uu dilku ka dhacay waxaa gaaray Laamaha ammaanka, lamina shaacin cid ilaa hadda loo soo qabtay dilkaasi, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here