Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dhul-Gariirka Ku Dhuftay Dalka Japan

0
441

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dhul-Gariirka Ku Dhuftay Dalka Japan.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa sii kordhaya gudaha waddanka Japan kadib markii dhul gariir culusi uu ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkaas.

Waa dhul gariir cabirkiisa lagu sheegay 7.3 cabirka dhul gariirka waxaana micnaheedu tahay in uu keenayo bur bur dhammaystiran dhul gariirka cabirkaas gaadhaa.

Deegaanada waqooyi bari dalka japan ayuu imika haleelay dhul gariirkani iyadoo uu yahay kii ugu awoodda badnaa ee sanado soo mara Japan.

Dhaawaca 90 qof iyo dhiamshada laba kale ayaa lagasoo sheegayaa imika deegaanada dhul gariirku ka dhacay, iyadoo maamuladu ay wadaan tiro koobka mashaqada jirta.

Cabsida ugu wayn ayaa timi kadib markii magaalooyinka ay ku yaalaan warshadaha nukliyeerka la sheegay in saamaynta dhul gariirku gaadhay, waana arin cabsi galinaysa Japan iyo shacabka dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here